Xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa booliska waddanka Malaysia u sheegtay in ay joojiyaan kulan uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur la lahaa ardayda iyo dadka Soomaalida ee ku dhaqan gudaha waddanka Malaysia.

Warqadda oo kasoo baxday safaaradda Soomaaliya ee magaalada Kuala Lumpur ayaa lagu xusay in ‘Cabdiraxmaan Cabdishakuur laga mamnuucay qaar badan oo ka mid ah wadamada Islaamka, kadib khudbad muran dhalisay oo uu Jarmalka ka jeediyay.’ Warqadda ayaa sidoo kale lagu xusay ‘in siyaasiga Fatwo lagasoo saaray lagu sheegay in uu faafinayo dacaayado ka dhan ah Islaamka.’

Mr. Warsame oo hogaamiya xisbiga WADAJIR ayaa cambaareeyay tallaabada xukuumadda Muqdisho oo uu sheegay ‘in ay baal marsantahay diblomaasiyadda.’
Siyaasiga ayaa si adag u dhaliila xukuumadda madaxweyne Farmaajo.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dawladda federaalka oo la xidhiidha arintan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga