Macalinka naadiga Manchester City ee ka dheela horyaalka Ingiriiska ayaa sheegay in weerar-yahanka kooxda, ninka lagu magacaabo Sergio Aguero uu ‘dhiman doono isaga oo dhoolal dhalinaya.’

Hadalka Guardiola ayaa yimi kadib markii kooxdiisu ay 6-1 ku xasuuqday naadiga Aston Villa.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay 3 ka mid ah lixda gool ee kooxdiisu ay ku badisay, halka uu caawiyay gool kale oo uu sabab u ahaa dhalintiisa.

Ciyaaryahankan reer Argentine ayaa hadda jabiyay rikoodho u yaalay labada xiddig ee Henry iyo Lampard, isagoo xusay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu heerkan soo gaadho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga