Afar qof oo Kiiniyaan ah ayaa ku naf waayay is rasaasayn maantoo salaasa ah dhex martay booliska dalka Kiiniya iyo maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab, kuwaas oo soo weeraray xarunt isgaadhsiineed.

Weerarkan, ayaa noqonaya kii saddexaad muddo hal todobaad gudaheed ah sida ay sheegeen booliska dalka Kiiniya.

Booliska ayaa dilay laba kamid ah weerar-qaadeyaashii iyagoo la wareegay qoryihii ay siteen iyo weliba alaabooyinka laga sameeyo walxaha qarxa sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa afhayeen u hadlay ciidanka Booliska Kiiniya.

Maraykanka, ayaa ciidamo dheeraad ah u diray Kiiniya, si ay xoojin ugu noqdaan ammaanka kadib markii kooxda Al-shabaab dishay saddex qof oo Maraykan ah weerar ay maalintii Axadda ku qaadday saldhig ay leeyihiin ciidanka Kiiniya oo uu Maraykanku la isticmaalo.

Kooxda Al-shabaab, ayaa weerarro is-dabajoog ah ku qaadaysay dalka Kiiniya tan iyo markii ay ciidamada Kiiniya gudaha u galeen Soomaaliya sannadkii 2011-kii kadib weerarro iyo af-duubyo ka dhacayay xuduudka ay Kiiniya la wadaagto Soomaaliya.

 

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga