Daraasiin dad ah ayaa ku geeryooday magaalada Kerman ee dalka Iiraan kadib is-buurasho ka dhacday aaska General-kii Maraykanku ku khaarajiyay gantaalkii uu hawada sare kaga soo ganay ee Qaasim Sulaymaani.

‘’Illaa 40 qof ayaa ku naf waayay isbuurashadaas, halka ay ku dhaawacmeen 213 kale, sida ay sheegeen saraakiil dhanka caafimaadka degdegga ah ka shaqaysaa.

Muuqaallo lasoo galiyay baraha bulshada, ayaa lagu arkayay dad waddooyinka daadsan iyo kuwo dhaawac ah oo caawimo dal-banaya.

Boqollaal kun oo qof, ayaa iskugu soo ururay magaalada yar ee Kerman, halkaas oo uu ka dhacayay aaska General-kii awoodda badnaa Qaasim Sulaymaani, madaxii hore ee ciidanka sida gaar ah u tababaran ee Quds kuwaas oo ay Iiraan leedahay.

Duugtiisa, ayaa imanaysa maalmo uun kadib dilkiisa, iyadoo dadka Iiraaniyiinta ah iyo dawladdooduba si wayn uga cadhoodeen dilkiisa.

Iran, ayaa sheegtay inay u aargudi doonto General-ka Maraykanku dilay, iyadoo madaxwayne Trump-ka Maraykankuna sheegay in haddii ay Iiraan weerarto saldhigyada Maraykanka amaba danaha Maraykanka ay la kulmi doonto cawaaqib xumo wayn.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga