Dawladda Australia ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda layso in kabadan 10,000 (toban kun) oo neef oo geel ah sida lagu sheegay war kasoo baxay waaxda ilaalinta deegaanka ee waddanka.

Arintan ayay u sababeeyeen in uu geelu cabayo biyo badan isla markaana uu xaalufinayo deegaanka, arintaasina ay ugu danbayn keenayso in kulaylka cimiladu uu sii kordho.

Waxa la hawl-galiyay ciidamada wax toogta ee Australia iyo diyaaradaha qummaatiga u kaca oo caawin doona.

Muddo afar maalmood ah ayay ku dhammaystirayaan qorshaha laynta tobanka kun ee geela ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga