Kooxda Ahlu Sunna ee fadhigeedu yahaya gobolka Galgaduud ee badhtmaha Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay xal nabadeed oo lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya iyaga iyo maamulka Galmudug.

Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, adaxa guud ee kooxda Ahlu Sunna oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in khilaafkan lagu xalin karo in ay helaan raysalwasaare laga siiyo maamulka Galmudug, halka madaxweynaha ay qaataan dhanka maamulka Galmudug ee hadda dhisan.

Ahlu Sunna ayaa dagaal adag oo boqol qof in ka badani ay ku dhinteen la gashay ciidamada Galmudug, balse weli labada dhinac ayaan heshiin iyadoo madaxweyne Qoorqoor uu mar ugu baaqay in ay is dhiibaan Ahlu Sunna.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga