Muqdisho waxa maanta ka degaya wefti ballaadhan oo ka socda Midawga Afrika gaar haaan Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midawga Afrika, kaas oo kulamo kala duwan la leh madaxda dawladda Soomaaliya.

Waa safar imanaya kadib markii ay dawladda Soomaaliya dhawaan qaadacday qorshe uu waday Golaha Amniga ee Midawga Afrika, kaas oo lagu ballaadhinayay hawlgalka AMISOM ee nabad ilaalinta.

Weftiga Midawga Afrika oo isla maantaba kulamo la qaadanaya madaxda dawladda Soomaaliya waxay kala hadlayaan mustaqbalka hawl galka nabad ilaalinta ee AMISOM, xili bisha December ay ku egtahay mudada ay Soomaaliya joogayaan ciidamada AMISOM.

Golaha Midawga Afrika wuxuu waday qorshe lagu balaadhinayao hawl galka, kaas oo lagagasoo qayb galinayo Qaramada Midoobay, waxaana sanadka danbe Soomaaliya la keenayay ciidamo ka socda Qaramada Midoobay halka maamulka hawl galkana laga qayb galin doono xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida uu dhigayo qorshuhu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga