Safmarka Coivd-19 ee dunida dhimashada badan ku sababay ayaa la saadaalinayaa in uu illaa sanadka danbe sii socon doono, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO.

WHO ayaa xustay in maadaama oo wadamada saboolka ahi aanay weli qaadan tallaalka fayraskan, ay arintaasi keenayso in mudadii hore loo saadaaliyay uu xanuunkiu dhaafi doono, lana arki doono kiisaska oo sii jiitama.

Kaliya 5% wax ka yar ayaa la tallaalay dadweynaha Afrika, iyadoo taasi ka dhigaysa qaaradda ugu tallaalka yar.

Khubarada ayaa soo jeedinaysa in ay dadku istallaalaan, si loo xakameeyo fiditaanka xanuunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga