Madaxweynaha dalka Kenya ayaa dhigiisa dalka Soomaaliya ku casuumay booqasho rasmi ah oo ku yimaado magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya.

Caasuumaadda Uhuru Kenyatta ayaa imanaysa maali kadib markii uu wefdi culus u diray dalka Soomaaliya, kaas oo la kulmay madaxweyne Maxamed Farmaajo. Wefdiga uu higaaminayay wasiirka arimaha gudaha Fred Matiangi ayaa warqadda casuumaadda gacanta ka galiyay amdaxweyne Farmaajo, waxaana ku jira afar qof oo kale oo wehelin doona safarka madaxweynaha.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay xiisad colaadeed ka taagnayd xadka u dhaxeeya labada waddan, waxaana loo dheg taagayaa waxa kasoo baxa kulanka labada hogaamiye.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga