Abiy Axmed oo diiday baaqyada nabadda ee dunida

Itoobiya waxay diiday wax ay ku sheegtay faragalinta uga imanaysa wadamada shisheeye, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska raysalwasaare Abiy Axmed.

Abiy wuxuu bulshada caalamka u sheegay in kaliya marka Itoobiya ay caawimo uga baahato ay hadlaan, balse inta kale aanay soo faragalin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu intaa ku daray in uu tixgalinayo baaqyada caalamiga ah.

“Si kastaba ha ahaatee waxaan jeclaan lahaa in aan adkeeyo in Itoobiya ay awood u leedahay in ay xaliso dhibaatadan. Iyadoo raacaysa shuruucda u dejisan isla markaana ilaalinaysa shurruucda caalamiga ah.” ayuu yidhi Abiy Axmed.

Hadalka raysalwasaaraha Itoobiya ayaa imanaya xli bulshada caalamka iyo Qaramada Midoobay ay ku baaqayaan in dagaalka uu bilaabay uu hakiyo, sila markaana wada hadal la galo gobolka Tigrayga. Balse Abiy wuxuu leeyahay meel aan kasoo noqdo ma taagni.

Suurtagalnimada danbiyo dagaal ayay ka digaysaa Qarmada Midoobay, isgoo Abiy balan qaaday dagaal uu wax walba adeegsan doono oo uu ku qbasado magaalada Mekelle, caasimadda Tigrayga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga