Wejigii ugu danbeeyay ee dagaalka Itoobiya oo bilaabmaya

Raysalwasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu si rasmi ah u bilaabmayo wejigii ugu danbeeyay ee dagaalka uu kula jiro maamulka gobolka Tigrayga, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Hadalka Abiy ayaa ka danbeeyay kadib markii ay dhammaadeen muddo saddex maalmood ah uu Abiy uu u qabtay in ay iskusoo dhiibaan ciidamada iyo maamulka Tigraygu.

Dadka degen magaalada Mekelle ayaa digniin la siiyay iyadoo ciidamada federaalka ay khasab ku gali doonaan magaalada, oo ay isku urursadeen ciidamada Tigraygu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga