Cabdiraxmaan Cabdshakuur Warsame, Hogaamiyaha xisbiga Wadajir, kana mid ah xubnaha mucaaradada ugu badan kala soo hor jeeda xukuumadda federaalka ayaa ka waramay taariikhda taliyaha awoodda badan ee Sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Dahir, isagoo ka sheekeeyay taariikhdiisa siyaasadeed iyo waqtii ay is barteen.

Hogaamiyaha Wadajir oo lagu wareysanayay warbaahinta baraha bulshada ee loo yaqaano Hanoolaato ayaa sheegay in isaga iyo Fahad Yaasiin ay is barteen 1989.

“1989 dhamaadkeeda ayaa bartay, bartay, waxaa aheyn dadkeena dhaq dhaqaaqa diinta barta oo xarakaadkaa islaamiga ku jiro, nin dhalinyaro ayuu ahaa, waa nin aan aqaano waqti dheer oo xarakaadka islaamiga i badan ku soo jiray, kaddibna saxaadada u wareega, dadka siyaasiyiinta la sheekeysta oo siyaasadda waqti badan geliya, ururkii Al Itixaad ayuu ka tirsanaa, Itixaadkana wey dagaalami jireen, dagaalada qaar inuu galay waa laga yaabaa, gaar ahaan kuwii Gedo iyo Luuq ka dhacay”

C.raxmaan C.shakuur ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu yahay nin xiriir la leh dowladda Qatar, oo mar ka soo shaqeeya Telefishinka Al jazeera, kaddibna markii dambe u wareegay Machadka Daraasaadka Siyaasadda Al Jazeera.

“Waa Nin siyaasadda ku firfircoon oo juhdi badan geliya, wax isku xir badan, abaabul badan  isku daya inuu saaxibo sameysto, dhaqaale dibadaha uga raadiya, Madaxweynayaal dhista, nin ogol isaga wax uu sameeyay uu qeyb ka yahay, dadaalkaas waa ku amaanan yahay, mar dowladdii xasan Sheekh Wasiir laga dhigay waa diiday”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo ku amaanay in Fahad yahay nin aragti siyaasadeed oo mowqif leh, oo wuxuu rabo ka gun-gaara, oo aan aheyn dadka masaaliixda yaryar ugu jira siyaasadda.

Waxaa uu sheegay in Fahad Yaasiin aanu laheyn aragti siyaasadeed oo weyn dal lagu maareeyo, isla markaana uu jecel yahay inuu xoog ku marsiiyo waxa uu ugu yeeray aragtidiisa ciriiriga ah, taasna ay ka mid aheyd wixii ay isku qabteen isaga iyo Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu yahay nin aaminsan fikirka salafiga ee Al-Itixaad oo ah aragtida in aad i raacdo ama in aad barri iga noqto “Al Walaa Wal Baraa”

“Kooxdii Xasan Sheekh ayuu ka mid ahaan jiray, dadkii wax ka dhistay ayuu ka mid ahaa ahaa, wixii ay Xasan Sheekh isku diideen waa fikirkaas ciriiriga, dabcan Farmaajo ayuu helay oo ay isla meel mari karaan fikirkaas ciriiriga, Farmaajo waa nin aaminsan in awood wax lagu qabsado, Milateri iyo koofiyo cas, marka waxaa ii muuqda labo fikir oo meeshaas iska aroostay”ayuu yidhi C/raxmaan C/shakuur.

Cabdiraxmaan C Shakuur ayaa intaa ku daray in dadka dwax ku bartay Carabta ama la dhaqmay ay jecel yihiin muqaabaraadka, ayna tahay falsafada Fahad halka uu ka keenay inuu maanta noqdo Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya, maadaama dalalka Carabta ay tahay dalalka Sirdoonka aad awood ugu leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga