Mandatory Credit: Photo by Michael Probst/AP/Shutterstock (10561802f) Police guard the scenery in front of a restaurant in central Hanau, Germany . German police say several people were shot to death in the city of Hanau on Wednesday evening Shooting, Hanau, Germany - 19 Feb 2020

Nin hubaysan ayaa rasaas huwiyay dad ku cawaynayay laba maqaaxiyood oo ku yaala magaalo dhacda galbeedka waddanka Jarmalka.

Badi dadka ku xidhan maqaaxiyahan ayaa ah dad Kurdi ah, waa bulsho ku filiqsan Bariga Dhexe una badan wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

Ninka weerarka gaystay ayaa saacadihii dhexe ee habeenimadii Arbacada rasaas ku furay dadkan oo ku sugnaa magaalada Hanau. Wuxuu isu maray labada meheradood oo badhtamaha magaalada ku yaala. Isagoo markii danbe goobta ka baxsaday. Illaa sagaal qof ayuu dilay halkaa tiro intaa ka badanna uu dhaawacay.

Waxa laga helay gurigiisa isagoo mayd ah waxaana wehelinaysay hooyadii oo iyaduna mayd ahayd markii la helay.

Booliska jarmalka ayaa xaqjiiyay in isagu uu is dilay. Wuxuu ahaa Jarmal dhalad ah, lana aaminsanyahay in uu ka tirsanaa kooxaha midigta fog ee soogalootiga neceb.

Ninkan ayuu hub badan oo sharciyaysani gacanta ugu jiray, sida ay boolisku sheegayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga