Israa’iiliyiinta ayaa soo afjaray joojintii ay joojiyeen wax soo saarka beeraha Falastiiniyiinta ee loo soo dhoofiyo, kadib markii maamulka Falastiiniyiintu ay ka laabteen xaddidaad ay kusoo rogeen hilibka looga soo dhoofiyo dhanka Israa’iiliyiinta sida ay sheegtay wasaaradda gaashandhigga ee Israa’iil.

Arrintan, ayaa soo gebagabaynaysa muran dhanka ganacsiga ahaa oo muddo u dhaxeeyey labada dhinac.

Waxay ahayd bishii September markii maamulka Falastiiniyiintu ay aad iyo aad u yareeyeen hilibka lo’da ee looga soo dhoofiyo Israel, kadib markii ay sheegeen  inay doonayaan inay ka kaaftoomaan ku tiirsanaantooda warshadaha hilibka soo saara ee kuyaalla Israel.

Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, ayaa ku guul-darraystay wada- hadallo arrintaas lagaga wada hadli lahaa oo arrintan lagu xallin lahaa, iyadoo sababtay inay Israa’iil 2-dii Febraayo mamnuucdo dalagyada beeraha Falastiiniyiinta ee loo soo dhoofiyo dalkeeda.

Markii ay taasi dhacday, Falastiiniyiintu waxay bilaabeen inay ka aargutaan Israa’iil, iyagoo mamnuucay alaabo kale oo ay kamid ahaayeen sharaabbada fudud iyo bihaha moorsan.

Wixii intaa ka dambeeyay Israel waxay  joojisay alaabaha Falastiiniyiintu ay soo marsadaan biriishka  Allenby ee Daanta Galbeed ku xidha dalka Jordan, halkaas oo ahayd marinka kaliya ee Daanta Galbeed ugu furan suuqyada dibedda.

Wasiirka difaaca Israa’iilyiinta, ayaa sheegay in la qaaday dhammaan xannibaaddii lagu soo rogay badeecadaha kala duwan ee Falastiiniyiinta, kadib markii ay ogolaadeen Falastiiniyiintu wax soo saarka israa’iilyiinta.

Wasaaradda Beeraha Falastiin ayaa iyana shaacisay in sida ugu dhaqsiyaha loo billaabay soo dhoofinta badeecadaha Israel oo uu ku jiro hilibka lo’da.q

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga