FILE PHOTO: Britta Nielsen, a Danish woman accused of embezzling 117 million crowns ($17 million) of Danish government funds, looks on during her appearance at Randburg Magistrates Court, South Africa, November 8, 2018. REUTERS/Siphiwe Sibeko/File Photo

Britta Nielsen oo u dhalatay dalka Denmark, ayaa la xukumay kadib markii la ogaaday inay dawladda dalkeeda Denmark ka dhacday lacag gaadhaysa 17 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah.

Gabdhan, ayaa sida ay warbaahintu sheegtay ka shaqayn jirtay waaxda adeegga bulshada iyadoo masuul ka ahayd bixinta lacagaha ay dawladda Denmark siiso dadka jilicdasan sida carruurta, dadka buka, kuwa da’da ah iyo qaarka aan camal-ka haynin.

Britta, ayaa baxsatay markii eedaymaha lagu soo oogay, iyadoo gashay dalka Koonfurta Afrika, balse halkaasi may noqon meel ay kusii nagaan karto, sababtoo ah dawladda Denmark waxay booliska caalamiga ah ee Interpol ka codsatay in lasoo xidho gabadhaas, markaas kadibna waxay dib ugu soo laabtay dalkeeda Denmark.

Musuqmaasuqa, xatooyada xoolaha dadwaynaha iyo meheradaha lamidka ah, ayaa ceeb ka ah dalalka horumaray oo ay Denmark-na calanka u siddo, taasoo markii la maqlay sheekada gabadhan, si wayn looga argagaxay.

Balse gabadhan ayaa hoos hoos u xadaysay lacagtan muddo 25 sanno ah iyadoo sida ay warbaahintu sheegtayna shaqadeedu wanaagsanayd taasoo la siiyay abaal-marin sannadkii 2017-kii.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga