Duleedka degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayuu habeenkii xalay dagaal culus  ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab, sida ay tilmaamayaan wararka ka imanaya deegaanku.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay weerar culus oo Al-shabaab ay ku soo qaadeen saldhig-yada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde,waxaana halkaasi ka bilaawday iska horimad xoogan oo leysku adeegsaday hub kala duwan. 

Saraakiisha dowladda ee ku sugan degmada Buula-burte ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhankooda iska difaaceen weerarkii xalay kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen. 

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in iska horiamadku ahaa mid xooggan oo ugu yaraan sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

Iska horimaadka xalay ka dhacay dulleedka degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa imanaya xili galinkii danbe ee shalay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen maamulka iyo gacan ku heynta deegaanka Buurweyn oo saldhig muhiim ah u ahaa Ururka Al-shabaab.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga