Wadaxaajooodka Ingiriiska iyo Midawga Yurub ayaa galay maaliintii ugu danbaysay ka hor kulanka ay isugu imanayaan madaxda Midawga Yurub maalinta baerri ah. Raysalwasaare Boris Johnson ayaa maanta la kulmaya golaha wasiirada si uu uga warbixiyo halka uu wadaxaajoodku marayo.

Ilo ku dhaw wadaxajoodka ayaa hore u sheegay in ay u dhawdahay in heshiis ay isla gaadhaan labada dhinac, balse wararka maanta soo baxaya ayaa tilmaamaya in todobaadkan ay adagatahay in heshiis ay gaadhaan labada dhinac.

Boris Johnson ayaa wajahaya tijaabo kale oo adag, iyadoo ka hor kulanka labada maalmood ah ee madaxda Midawga Yurub laga rabo in uu heshiis la gaadho Yurub.

Hadii heshiis la gaadhi waayo, waxa la filayaa in dib u dhac kale uu ku yimaado mudada uu Ingiriisku kaga baxyo Yurub inteeda kale. Raysalwasaaraha ayaa raba in uu xataa heshiis la’aan Ingiriiska ka saaro  Midawga Yurub, balse go’aankiisa ayaa wajahaya caqabado sharci.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga