Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa bulshada la wadaagtay warbixintii ugu dambaysay xanuunka Coronavirus guud ahaan Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka, ayaa lagu sheegay sidan:

”Dr. Fawziya Abikar Nuur, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta oo ay tahay tariikhdu tahay 11 May 2020, la wadaagtay bulshada xaaladaha ku soo kordhay Dalka ee caabuqa COVID-19.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 35 xaaladood oo laga soo xaqiijiyay 3 maamul goboleed oo kala duwan.

Gobolka Banadir ayaa laga xaqiijiyay 24 xaaladood, Maamulka Puntland 8 xaaladood iyo Maamulka Somaliland 3 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneysa 1089 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan sidoo kale waxaa bogsooday 3 bukaan.

Wasiirka ayaa xaqiijisay in aan laga daaleyn ku celcelinta fariimaha wacyigelineed iyo inaan awoodeena u mideyno sidii aan u xakameyn laheyn caabuqa ku sii baahaya bulshada dhaxdeeda.

Sidii caadada ahayd wasiirka ayaa bulshada u sharaxday qaababka looga hortago caabuqa sida gacmo dhaqasho joogto ah, yareenta bixidda ama aadista meelaha dadka faraha badan isugu yimaadaan iyo xirashada af-xirka”

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga