Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay tuulooyin dhawr ah oo ku yaalla galbeedka dalka Niger, kuwaasi oo la sheegay inay fuliyeen niman aan la aqoonsan haybtooda.

Masuuliyiinta gobolka Tillaberi, ee dalkaasi Niger, ayaa telefishanka qaranka dalkaasi u sheegay maalintii Axadda, inay weerarka dadka lagu laayay ay fuliyeen niman saarnaa dhawr dhugdhulay iyagoona boobay dukaanno halkaasi ku yaallay kahor intii aanay u gudbin dhanka waqooyiga.

Mid kamid ah dadka deegaannada la weeraray, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa u sheegay inay nimanka hubaysani aragagax geliyeen guud ahaan deegaankooda, iyadoo badi deegaannada la weeraray ay xuduud la leeyihiin dalalka Burkina Faso iyo Mali, halkaasi oo ay kooxaha Al-qaacida iyo ISIS isku sii ballaadhinayeen maalmihii u dambeeyay.

Xaaladda nabadgeliyo ee gobolka ayaa ahayd mid si dhakhso ah isku bedelaysay sannadihii u dambeeyay, iyadoo ay halkaa ku sugan yihiin ciidamo Faransiis ah, kuwa qaramada midoobay ka socda iyo weliba kuwa gobolka Saaxil.

Bishii January ayay waxaa masuuliyiinta dalka Niger sheegeen in xayiraado adag lagu soo rogay mootooyinka, kuwaasi oo lagu gaysto falal ammaanka lid ku ah, xilli kooxaha argagixsada ahina ay ka faa’idaysanayaan mashquulka ay dawladuhu ku mashquulsan yihiin la dagaallanka xanuunka saf-marka ah Covid-19.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga