Ugu yaraan 19 badmaaxiin Iiraaniyiin ah ayaa geeryooday halka ay dhaawacmeen 15 kale, xilli lagu guda jiray hawl-gal dhollatus sida ay xaqiijiyeen Militarigu.

Warar hordhac ah oo kasoo baxaya dhacdadan, ayaa sheegay in Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Iiraaniyiintu uu si kama’ ah ugu riday gantaal mid kale oo ay iyagu leeyihiin, iyadoo shilkani uu ka dhacay magaalada dekedda leh ee layidhaa Jask, taas oo 1,270 Km Koonfur-bari ka xigta caasimadda Iiraan ee Tehraan.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa gaadhay goobtaas iyadoo laga soo daadgureeyay dhaawaca, halka Markabka la toogtayna loo waday dhankaas dekedda, iyadoo ciidamada badduna sheegay inuu socdo baadhitaan la xidhiidha sababta dhacdadan.

marinka dhuuban ee Hormuz kaas oo isku xidha gacanka Beershiya iyo midka Cummaan ee badwaynta Hindiya, ayaa ah jidka ugu muhiimsan ee ay marto saliidda adduunku, halkaasi oo xudun u noqotay hirdanka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

Waxay ahayd uun bishii hore markii doon ay leedahay Iiraan oo roondo ku jirta iyo Markab uu Maraykanku leeyahay ay isku gacan-saari gaadheen gacanka Beershiya, iyagoo dhinacba dhinaca kale ku eedeeyay inuu daandaansiga bilaabmay khatarna geliyay.

Iiraan iyo Maraykanka, ayaa hawada isku mariyay hanjabaado daran iyo digniino joogto ah, kuwaas oo Maraakiibta dagaakuna noqday kuwo si joogto ah heegan ugu jira.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga