Mashaqada ka dhacday Kanaalka Ingiriiska ayaa sii kordhaysa iyadoo xiisad hor leh ka dhex abuurtay wadamada Ingiriiska iyo Faransiiska oo horena iskugu qabtay muhaajiriinta Faransiiska ka tegaya ee galaya gudaha UK.

27 qof ayaa ku dhintay biyaha kanaalka kadib markii ay doontii ay saarnaayeen la degtay meel u dhow Calais.

5 haween ah iyo hal caruur ah ayaa ku jiray dadka dhintay, halka sidoo kale la badbaadiyay laba qof oo kale, sida uu sheegay wasiirka arimaha gudaha ee dawladda Faransiisku.

Macluumaadka laga hayo jinsiyadaha dadka dhintay ayaa ah kuwo xadidan, waxaana sidoo kale aan la ogayn waxa sababay in doontani ay degto.

Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa isku canaantay masuuliyadda muhaajiriintan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga