Midawga Yurub waxay war cusub kasoo saareen xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyagoo ka hadlay arimo kala duwan oo doorashada dalku ay ka mid tahay.

War kasoo baxay hogaanka sare ee MidawgaYurub ayaa lagu xusay in Midawga Reer Yurub ay la socdaan muranada ka taagan siyaasadda dalka Soomaaliya ee keentay in ay dib u dhacaan doorashooyinkii hore loo qorsheeyay.

Midawga Yurub wuxuu soo dhaweeyay in la xaliyo khilaafkii u dhexeeyay madaxda dawladda federaalka ee Soomaaliya kaas oo caqabad hor leh ku ahaa doorashooyinka. Waxay ku baaqeen in doorashada la qabto oo la dhammaystiro wixii ka horeeya dhammaadka sanadkan 2021.

Warka Midawga Yurub waxa lagu muujiyay sida ay uga xunyihiin weerarada alShabaab iyagoo xusay in qabaan walaac dheeraad ah oo ku aadan suurtagalnimada weeraro ay alShabaab ka fuliso gudaha Soomaaliya xiliyada doorashada.

Midawga Yurub waa hay’adda bixisa badi kharashaadka dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyagoo sanad walba malaayiin dollar ku taageera geedi socdoka Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga