Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markale muddo kordhin u sameeyey xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, kaas oo xilligaan dhinacyo kala duwan ka taageera dowladda federaalka ah  Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay golaha  amaanka ayaa waxaa lagu sheegay in UNSOM ay howsha sii wadi doonto illaa inta laga gaadhayo 31-ka bisha August.

Sidoo kale waxaa UNSOM loogu baaqay inay xoojiso howlaheeda Soomaaliya, iyada oo ka fulineysa Muqdisho iyo dhammaan magaallo madaxyada dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen waxaa lagu sheegay inay ka go’an tahay QM in door weyn ka qaadato doorashada Soomaaliya 2020 illaa 2021-ka.

UNSOM ayaa Soomaaliya ka shaqo bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana dowladda Soomaaliya ay ka taageertaa nabadda, dib u heshiisiinta, dib u eegista Dastuurka iyo qaban-qaabada doorasho iyo taakuleynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu yiri bayaanka oo ay daabacday wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga