Sida ay sheegayaan warar naga soo gaadhay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, qof ismiidaamiyay ayaa saaka isku qarxiyay kadinka hore ee saldhigga TURK-SOM, Kaasi oo ay dawladda Turkigu ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Sida ay warbaahinta u sheegeen ilo katirsan kuwo amniga Soomaaliya laba qof oo uu kamid yahay midkii isqarxiyay ayaa ku geeryooday qarax lala beegsaday saldhigga uu Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho iyadoo uu dhaawac kasoo gaadhay laba qof oo kale.

Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta u sheegay inay xilligaas ka soctay goobta qorista dhallinyaro rabtay inay ku biiraan ciidanka xoogga Soomaaliya kuwaas oo loo qaadanayay layli sarkaal.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qofka isasoo miidaamiyay uu damacsanaa inuu dhallinyarada ciidamada isqorayay laftooda isku dhex qarxiyo balse laga warhelay kadibna uu is qarixiyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga