Qaramada Midoobay iyo wadamada carabta ayaa si adag u cambaareeyay qorshaha ay Israel ku damacsantahay in ay ku fidiso dhulka ay hore uga qaaday Falastiin.

Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay, Antooniyo Guteeres, ayaa qorshaha Israel ku tilmaamay in uu noqon karo xadgudubkii ugu waynaa ee laga galo shuruucda caalamiga ah.

Kulan ay isugu yimaadeen xubanaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu ka hadlay ayuu Guteeres Israel ugu baaqay in ay joojiso dhulka ay xooga ku qabsanayso, oo todobaadka danbe si toos ah u bilaabmi doona.

Qorshaha Israel ay ku qabsanayso dhulka Falastiin waxa taageero buuxda siinaysa xukuumadda madaxweyne Trump oo raysalwasaare Netenyahu ku raacsan in uu qorshahan fuliyo.

Qaramada Midoobay waxay ku tilmaantay in uu dhaawici karo xalka lagu doonayay laba dawladood oo kala madaxbanaan oo Israel iyo Falastiin ay yeeshaan.

In ka badan kun ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Yurub ayaa sidoo kale saxeexay codsi ay dawladahooda kaga dalbanayaan in ay is hortaagaan qorshaha Falastiin.

Ururka Jaamacadda ayaa isaguna dhankiisa cambaareeyay qorshaha Israel isagoo ku baaqay in ay ka laabato fiditaanka dhulka ay haysato.

Xukuumadda midigta u janjeedha ee uu hogaamiyo raysalwasaare Ben Netenyahu ayaa 1-da bisha July ee inagusoo foolka leh damacsan in ay sii wado qorshe ay ku rabto in ay kula wareegto deegaano hor leh oo ka tirsan daanta galbeed ee magaalada Qudus oo sanadkii 1967-kii ay xoog ku qabsatay, tan ityo markaasna waday in ay barakiciso malaayiin Falastiiniyiin ah oo ay la wareegto dhulka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga