Guud ahaan caalamka maanta waxa laga xusayaa maalinta haweenka dunida oo loo asteeyay 8-da bisha March in sanad walba la xuso.

Meelo badan oo ka mid ah deegaanada ay Soomaalidu degto ee gobolka Geeska Afrika ayaa laga xusayaa, waxaana ka mid ah magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Munaasibad ballaadhan oo ay kasoo qayb galeen madax ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo ergeyga Midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa laga hadlay kaalinta iyo muhiimadda ay haweenku u leeyihiin bulshada.

Maalintan waxa la aasaasay 28 Febraayo, 1909-kii markaas oo magaalada New York ee waddanka Maraykanka lagu qabtay isu-soo-bax uu soo qaban qaabiyay xisbi baaba’ay oo Maraykanka ka dhisnaan jiray.Marxalado kala duwan ayay soo martay, balse sanadadii danbe ayaa dunida reer Glabeedka badankeedu ay u aqoonsadeen maalin caalami ah.

Haweenka ku dhaqnaa wadamada reer galbeedka ayaa la kulmi jiray tacadiyo badan oo kala duwan, kuwaas oo qaar bulsho, kuwo shaqo in qaar guurba iskugu jiray. Waxay sanado badan la kulmayeen cadaadis iyo in xuquuqdooda la duudsiyo, waana aragtida ka danbaysa xuska maalmo badan oo ay ka mid taay maalintani.

Dunida Muslimka ayaa haweenka laga tixgaliyaa, balse saamaynta Galbeedka ee dunida ayaa keenaysa in isku aragti laga qaato arimo aan asal ahaan isku mid ahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga