Dawladda dalka Hindiya, ayaa dhawaan soo saartay liiska muwaadiniinteeda kunool gobolka kuyaal dhanka waqooyi bari ee dalkaas Hindiya, gobolkaas oo layidhaa Assam, ayay dawladdu sheegtay in si rasmi ah loo soo saaray liiska, balse dad tiradooda lagu qiyaasay 1.9 Milyan oo qof ayaa sheegay inay gebi ahaanba ka maqan yihiin liiska muwaaddinimo ee la daabacay.

Diiwaankan la daabacay, oo afka qalaad lagu yidhaa ‘’National register of citizens’’ loona soo gaabiyo NRC, ayaa lagu soo saaray oo keliya liisaska dadka caddayn kara inay gobolkaasi ku sugnaayeen 24-kii bisha Maarij sannadkii 1971-kii, maalintaasi oo ah maalintii uu dalka Bangaladesh xorriyaddiisa ka qaatay dalka Pakistan.

Dadkan, ayaa haysta 120 maalmood si ay rafcaan uga qaataan go’aankan, dawladda Hindiya ayaa sheegaysa in sababta ay sidan u samaynaysaa ay tahay inay kala ogaato dadka sida sharci darrada ah kusoo galay dalkaasi Hindiya, oo ay hubiso inaan si fudud dhalashada dalka layskaga qaadan Karin.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga