Haweenay da’ ah,ayaa sababsatay Mid ka mid ah Xayawaanadda dad-la-nool ka ah,gaar ahaana mid ah ka mid ah Digaaga ay dhaqato.

Dhacdadan,ayaa waxay ka dhacday gobol ku yaalla Dalka Ustareeliya,waxaanay mar kaliya indhaha dadka kusoo jeedisay khataraha ku duugan xawayaanka Dad-la-noolka ahi uu sababi karo mararka qaarkood.

Waxa la sheegay in iyadda oo kala ablo-ablaynaysa Beedad yar yar oo markaas dhashay uu si lamo filaan ah ugu soo booday Diigani,ka dibna uu labo jeer afkiisa dhuuban kala haleelay mid ka mid ah Xidida hal-bawlayaasha ah,taasina ay sababtay inay si deg deg ah u geeriyooto.

Warbaahinta STAR DAILY,ayaa ku warantay in magaca iyo da’da haweenaydaba loo qariyo si looga fogaado dhaawac soo gaadha Eheladeeda.

Dhacdadan argagaxa leh,ayaa indhaha Bulshadda Deegaankaas kusoo jeediysay khataraha aan la dhaadanayn ee ku duugan Xawaayaanka aan dhibaatadda lahayn ee Dadka la nool,waxaana ka wariyay dhacdo kale oo taas oo imanaysa,ka dib markii Haweenay kale ay sababtay qaniinyadda Bisad gurri kula noolayd.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga