War ka soo baxay baxay Wasaaradda Qorsheynta Somaliland ayaa lagu sheegay in marnaba dowladda Somaaliya aanay wakiil uga noqon karin Somaliland kaalmada caalamiga ah iyo waliba mashaariicda hormarineed.

 

Shalay ayay dowladda Soomaaliya iyo midowga Yurub kala saxiixdeen heshiis la xiriira dhismaha waddooyinka Muqdisho iyo Berbera, iyadoo Somaliland ay sheegayso in dowladda Soomaaliya aysan maamulin deegaannada Somaliland, sidaa daraadeed aanay jiri karin sabab ay u gasho heshiis salka ku haya mashaariicda hormarineed ee caalamku ka fulinayo deegaannada Somaliland.

 

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in si dhakhso ah loo bilaabi doono mahsaariicdan, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka qorshaynta iyo raysalwasaare Xasan Cali Khayre.

 

Somaliland waxay warka dawladda Soomaaliya ku tilmaantay mid aan marnaba la qabali karin oo dhaawacaya sharafta dadka reer Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga