War-Saxaafadeed Kasoo Baxay Xisbiga Taladda Haya Ee Dalka Itoopiya Ayaa Lagu Sheegay In Axmed Oo Ka Soo Jeeda Qowmiyadda Oromo Aw Ku Guulaysay Kursiga Gudoomiyaha Xisbiga Taladda Haya, Kasoo Noqon Doona Ra’Iisal Wasaaraha Itoobiya.

Xisbiga Taladda Haya Ee Itoopiya Ayaa Gacanta Ku Haya Dhammaan 547 Kursi Oo Baarlamanka Ah, Kuwaas Oo La Filaayo Inay Si Deg Dega U Ansixiyaan Ra’Iisul Wasaaraha Cusub.

Dibad Baxyo Ballaadhan Ayaa Ka Bilaabmay Itoopiya Tan Iyo Sannadkii 2015-Kii, Kaas Oo Ay Dhigayeen Oromada, Oo Ah Qabiilka Ugu Wayn Dalka Itoobiya,Kuwaas Oo Markii Danbe Ku Faafay Amxaarada, Oo Ah Qabiilka Labaad Ee Ugu Wayn Dalka,

Kooxaha Udooda Xuquuqda aadanaha Ayaa Sheegay In Boqolaal Qof Ay Dileen Ciidamada Ammaanka Intii Ay Socotay Rabshadaha, Halka Kumanaan Kalana La Xidhay.

Raysal Wasaaraha Cusub Ee Itoopiya Ayaa Noqon Doonaa Ra’Iisul-Wasaarihii Ugu Horreeyay Ee Kasoo Jeeda Qoomiyada Oromada 27-Kii Sannadood Ee Ugu Danbeeyay,

Sidookale Raysal Wasaaraha Cusub Ee Hada La Doortay Ayaa Soo Qabtay Xilka Wasiirka Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda,Ee Dalka Itoopiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga