Soomaaliya Waxay Ku Boorrisay Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay In Ay Tallaabo Ka Qaadaan Dhismaha Xarun Millatari Oo Imaaraadka Ku Yeelanayo Somaliland.

Safiirka Soomaaliya U Fadhiya Qaramada Midoobey, Abukar Cusmaan, Ayaa U Sheegay Golaha Amaanka In Heshiiskii Somaliland Iyo Imaaradda Carabta Ay Wada Galeen Uu Ahaa Mid Gebi Ahaanba Baalmarsan Sharciga Caalamiga Ah”.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Waxay Si Adag U Cambaareyneysaa Xadgudubyadan Khatarta Ku Ah Midnimada Umada Somaliyeed, Waxayna Xaqiijineysaa In Ay Qaadi Doonto Tallaabooyin Lagama Maarmaan Ah, Si Ay U Difaacaan Xad-Gudubyada Lagu Hayo Madax-Bannaanideeda Iyo Midnimada Soomaaliya,” Ayuu Yidhi Safiirka Somalia U Fadhiya Qaramada Midoobay,

Imaaraadka Carabta Ayaa Bilaabay Dhismaha Saldhigga Milateri Sannadkii Hore, Iyada Oo Heshiiska Saldhiga Ay Kala Saxiixdeen Mas’Uuliyiin Ka Tirsan Somaliland, iyo Dawladda Imaraatka Carabta,

Horaantii Bishan, Ayaa Imaaraadka Carabta Uu Sheegay In Ay Tababari Doonaan Ciidamada Ammaanka Ee Somaliland, Oo Ay Ku Jiraan Bilayska Iyo Millatariga, Oo Qeyb Ka Ah Heshiiska.

Hadalka Safiirka Somalia U Fadhiya Qaramadda Midboobay Ayaa Imanaya Kadib Markii Baarlamaanka Soomaaliya Ay Ansixiyeen Sharci Dalka Lagaga Mamnuucayo Shirkadda Dp World,

Si Kastaba Ha Ahaatee, Somaliland, Ayaa Sheegtay In Sharciga Baarlamaanka Somalia Ansixiyay Uusan Saameyn Doonin Heshiiska.

 

 

( fadlan Qoraalkan Waxaa Iskaleh Saab Tv Lama Qaadan Karo Xigasho La’aan )

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga