Shirkaddda Hawei oo ah shirkadda ugu wayn ee gaar loo leeyahay ee dalka shiinaha ayaa dacwad ka gudbinaysa maamulka madxwyene Trump.

Dawladda Maraykenka ayaa wax soo saarka shirkadda Hawei ka mamnuucday in Maraykenka lagu iibsado, taas oo shirkaddan shiineeska ah ka cadhysiisay waxayna ka gudbisay dacwad ka dhan ah sharci ahaanshaha amarka dawladda Maraykenka.

Maraykenka ayaa shirkadda hawei ku sheegay in ay u adeegto xukuumadda beij, ayna uga basaasto gudaha mrykMaraykenka, balse shirkadda ayaa dhamman eedaymaha iska fogaysay.

Gu pin, Madaxa shirkada hawei oo warbaahinta kula hadlay magaalada shenshen oo dhacda kuunfurta shiinaha ayaa xusay in tallaabda dawladda Maraykanku ay tahay mid sharci darro ah isla markaana, aanay marnaba shirkadda hawei alaabteeda ka celin doonin albaabka.

Xanibaadan la saaray shirkaddaa hawei ayaa imanaya xili dhawaan gudaha dalka canada lagu maxkamadaynayay agaasimaha shikadda, oo dawladda Maraykanku ay ku eedaysay in ay jabisay cunaqabtyn ay saartay dalka iran. Arintaas oo muran ka dhex dhalisay dawladaha ugu dhaqaalaha buuran caalamka, waa Maraykenka iyo shinaaha e’

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga