Dawladda itoobiya iyo Qaramada midoobay ayaa si wada jira u shaaciyay in itoobiya ay u baahan tahay aduun lacageed oo ka badan 1.3-Bilyan oo Dollar si ay wax uga qabato baahida ay Qabaan in kadaban 8-Million oo ka mid ah shacabka dalka itoobiya, oo u baahan gargaar bini’aadanimo, sida uu sheegay komishanka maaraynta masiibooyinka ee dalka itoobiya.

Ajandaha Komishanka uu ku waajahayo xaala bini’adaanimo ee qaar ka mid ah shacabka itoobiya ee sanadka 2019, ayaan sidaa uga duwanayn qorshihii sanadkii 2018 oo xaaladda shacab badan oo itoobiyaan ah laga dayrinayay.

Waxa u sabab ah bara kaca tobanaan kun oo ay barakiciyeen colaado ku salaysan isir, iyo abaaro soo noqnoqday.

Aeneas Chuma, madaxa komishanka maarynta musoobiyinka ee dalka itoobiya, ayaa tibaaxay in lacagta ay deeq bixiyayaasha ka dalbanayaan ay wax kaag qabanyan dhinacyda, quudinta, nafaqaynta, biyo dhaamin iyo guryo loo sameeyo tobaan kun oo ku bbarakacay gudaha dalka.

Illaa %60 lacagta gagaarka ayay bixinysaa dawladda itoobiya, halka 40ka kalena ay itoobiya ka dalbatay hayadaha ka taageera arimaha gargaarka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga