Wararka nagasoo Gaadhaya Magaaladda Muqdisho ayaa Sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay inta u dhaxeysa taallada Xaawo Taako iyo Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay meel u dhow halka lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala qeybta dambe ee Taalada Xaawo Taako.

Gaadhiga Qarxay ayaa la sheegay in la dhigay Afaafka hore ee Makhaayad lagu magacaabo Dalsan oo ku taalla meel u dhow Taalada Xaawa taako ee Magalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale halkaa ku yaala Koontorool ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ka ilaaliyaan Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana Gadiidka lagu hubiyo.

Ilaa 5 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyoodeen qaraxan oo imanaya xili horaantii toddoobaadkan Qaraxyo waaweyn ka dhaceen wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga