Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Lagusoo Dhaweeyay Magaaladda Adis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Weftiga Madaxwayne Farmaajo Waxaa Madaarka Kusoo Dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed oo La Sheegay in uu Fidiyey Booqashadda Madaxwayne Farmaajo ee Adis Abab.

Madaxweynaha ayaa la Filayaa in uu wada hadallo la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyadoo Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka wada hadli doonaan xoojinta xidhiidhka labada Dowladood ,labada Dad iyo sidii la isaga kaashan lahaa Amaanka, waxaana uu kulankan daba socdaa kulmadii ay horay u yeesheen labada mas’uul.

Safarka Madaxwayne farmaajo uu Hada Ku Tagay Magaaladda Adis Ababa iyadoo Axadii toddobaadkan uu magaalada Asmara ka dhacay kulan saddex geesood ah oo halkaa ku dhaxmray hoggaamiyayaasha dowladdaha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, laakiin Soomaaliya kulankaasi aanay qeyb ka aheyn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga