Dawladda Maraykenka ayaa ku dhawaqday in ay dib u eegis ku samaynayso ganacsiga ay la leedahay dalalka Turkiga iyo Hindia.

Madaxwayne donald trump ayaa sheegay in maamulkisu uu joojin doono wax uu ku sheegay ganacsiga aan isku dheeli tirnayn ee uu dalkiIsu la leeyahay Wadamada Hindia iyo Turkiga.

Trump wuxuu intaa ku daray in dalka Hindia uu ku guul darrastay in maraykanka ay u ogolaato galaangal uu ku yeesho suuqyada Hindia, xili Hindia ay si xor ah ula baayac mushtarto suuqyada maraykenka.

Xukuumadda washington ayaa sidoo kale sheegtay in ay dib u Qiimaynayso ganacsiga ay la leedahay dalka turkiga, oo ay sheegtay in turkiga oo kaliya ka macaasho, taasina aan loo Baahnayn.

Waa tallaabadiii ugu danbaysay ee maamulka trump uu ku joojinayo waxa uu ugu yeedhay ganacsiga aan isku dheeli tirnayn ee maraykanku uu la leeyahay wadamadda caalamka, hore ayuu cashuuro dheeraad ah ugu soo rogay badeecadaha shiinaha inkasta oo uu hakiyay markii danbe.

Trump wuxuu ballan qaaday in dhamman uu joojin doono heshiisyada u xaglinay wadamadda kale ee Maraykenka uu hore ula galay.

Hindia iyo turkigu waxay waayi doonaan balaayin doolar oo cashuuro ah oo laga dhaafi jiray.

Tusaale ahaan dalka Hindia, waxa uu waayi doonaa cashuurta laga dhaafi jiray taas oo xukuumadda delhi u ogolanaysay in gancsi ku kacaya $5.6b oo cashuur la’aan ah ay galiyaan Maraykenka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga