Weftigii uu Hogaaminyey Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaadhay Magaaladda Adis Ababa Halkaas oo uu Kusoo Dhaweyay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Abiy Axmed.

War Qoraal ah oo Lagu Daabacay Bogga Twitterka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Lagu Sheegay in Kulamadii Dhex Maray Labadda Dhinac ay Kaga Wadda Hadleen, Arimo ay Kamid yihiin Khilaafka u Dhexeeya Dawladda Soomaaliya iyo Kenya, Sii Xoojinta Horumarinta Dekadaha iyo  Sidii Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya ay iskaga Taageeri Lahaayeen Nabadda Gobolka Geeska Africa.

Kulanka Labadda Hogaamiye ayaa Waxaa Kaloo Lagu Sheegay in Diiradda Lagu Saaray Xoojinta Nabadda iyo Amniga Gobolka, iyo sidii Loo Dhaqan Galin Lahaa Heshiisyadii ay Labadda Dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya Hore u Wadda Galeen.

Safarka uu Madaxwayne farmaajo Ku Tagay Magaaladda Adis Ababa ayaa Kusoo Beegmaya   iyadoo Axadii toddobaadkan uu magaalada Asmara ka dhacay kulan saddex geesood ah oo dhaxmaray hoggaamiyeyaasha dowladdaha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga