Ilaa 2-kun oo qaxooti ah ayaa la halgamaya sidii ay uga badbaadi lahaayeen macluusha kadib markii ay ka soo barakaceen gudaha dalka Yemen oo ay ka socdaan dagaallo sokeeye.

Suxufi ka tirsan Al Jazeera’s oo ku sugan dalka Jabuti ,gaar ahaan magaalada Obokhr,i ayaa sheegay in qoysaska reer Yemen ay halgan ugu jiraan maareynta noloshooda si ay uga badbaadaan macluusha iyo dhibaatooyinka kale ee ay keenaan nafaqao darida.

Sarkaal ka tirsan qeybta bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in afar meelood meel dadka reer Yemen ay ku sii siqayaan ama faraha la sii galayaan macluul iyo nafaqo darro , isla markaana ay u baahan yihiin gurmad biniaadanimo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga