Canshuur kordhin cusub oo kale oo ay isugu jawaabeen dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa dhaqan-galay maanta oo Isniin ah.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa badeecadaha Shiinaha uu usoo dhoofiyo Mareykanka dul saaray tacriif cusub oo gaadheysa $200 oo bilyan oo dollarka Mareykanka ah, halka Shiinaha uu 60 bilyan oo dollarka Mareykanka oo canshuur kordhin ah ku rogay alaabta ay shirkdaha Mareykanka u iib-geeyaan Shiinaha.

Dhammaan canshuurahan cusub ee ay labada dhinac isugu jawaabeen ayaa dhaqan-galay xalay laba iyo tobankii iyo hal daqiiqo marki ay aheyd saacadda magaaladan Washington DC.

Tacriifaha cusub ayaa si gaar ah u saameynaya wax soo saarka shirkadaha shiinaha sida qalabka elektarooniga, cuntada iyo qalabka guryaha, waxay ka billaabmi doontaa boqolkiiba 10, kaddibna waxay sare ugu kici doontaa tacriifta ilaa boqolkiiba 25 marka la gaadho 1-da bisha Jannaayo ee sannadka 2019-ka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka uu kaga guuleysan doono Shiinaha dagaal walba oo dhinaca ganacsiga ah.

Dowlada Shiinaha ayaa hadal qoraal ah oo ay arrintani kasoo saartay ku sheegtay in canshuuraha uu Mareykanku saarayo badeecada Shiinaha ay Washington ugu caga-jugeleyneyso dalalka kale ee caalamka si ay u raacaan tilmaamaha ganacsi ee Mareykanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga