Dalka Kenya Waxa Dacwadi Ku Socotaa Dhakhtar Been Abuur Ah, Oo Hadana Sameeyay 8 Qalliin Oo Uu Ku Guulaystay, Dhaqtarka Ayaa Waxa Uu Ka Hawlgalayay Cisbitaal Ku Yaalla Magaalo Ku Taalla Woqooyi Dalkaasi.

Ninkan Oo 28 Jir Ah, Ayaa Waxa Uu Sameeyay 9 Qalliin, Oo Siddeed Ka Mid Ah uu Ku Guulaystay Halka Mid Kaliya Uu Ku Guul Darraystay. Qalliinka Uu Guuldaraystay Waxaa Dhintay Qofkii uu ku Samaynaayey.

Ninkan Ayaa La Sheegay In Shaqadan Dhakhtarnimo Uu Ku Gudo Jiray Intii U Dhaxaysay 5 June Ilaa 14 Julay Ee Sannadkan. Waxaana Boolisku Xidheen Ka Dib Markii Uu Liisan U Doontay Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Ninkan Ayaa Waxa Uu Wajahayaa Maxkamad, Iyada Oo Uu Ku Eedaysan Yahay Inuu Qabtay Shaqo aanuu Xirfadeeda Lahay, Sidoo Kale Waxa Iyadana Lagu Qaadayaa Inuu Samaystay Shahaadooyin Been Abuur Ah Si Uu Shaqadan U Qabto.

Dhagaysigii Hore Ee Dacwadiisa Ayaa Waxa La Xaqiijiyay In Shahaadaha Uu Wato Ay Tahay Mid Been Abuur Ah, Ka Dib Markii Jaamacadda Nairobi, Ay Sheegtay In ninkani aanuu Ka Bixin Kulliyadda Caafimadda Ee Jaaamcadda.

Shahaadada Been Abuurka Ee Uu Watay Ninkani Ayaa Waxa Ugu Qornaa Inuu Ka Mid Ahaa Dufcadii Jaamacadda Ka Baxday Sannadkii 2015-kii

Qoyska Ninka Oo Warbaahinta Maxalliga La Hadlay Ayaa Sheegay In Ay Ogaayeen In Wiilkoodu Ka Shaqeeya Xafiis Dawladeed Oo Gobolkaas Ah, Balse aanay Ogayn Inuu Kaga Shaqeeya Dhakhtarnimo. Waxaana Ay Xaqiijiyeen In aanuu Wiilkoodu Dhigan Jaamacad Caafimaad.

Maamulka Gobolka Uu Dhaqtarkani Ka Soo Shaqeeyay, Ayaa Dawladda Ka Dalbaday In Baadhitaan Lagu Sameeyo 800 Oo Shaqaale Caafimaad Oo Ka Hawlgala Gobolkaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga