Maanta oo Kale 8-February 2017- ayaa Laba Sanno Laga Joogaa Maalintii Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya loo Doortay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Hadaba Maxaa U Qabsoomay Maxaase ka Qabyo ah Madaxwayne Farmaajo?

Madaxwayne Farmaajo oo Maanta Laba Sanno Laga Joogo Markii Madaxwaynaha Soomaaliya loo Doortay Waxaa uu Sameeyay Balanqaadno Kala Duwan kuwaas oo Qaar Badan La Sheegay in aanay Waxba uga Qabsoomin.

Amniga iyo Midnimada Dalka: Qodobadda uu Madaxwayne Farmaajo Balan qaaday isla Markaana Lagu Dhaliilo in aanu Waxba ka Qabanin Waxaa Kamid ah, la Dagaalanka Ururka Alshabaab oo uu Madaxwayne Farmaajo Balan Qaaday in uu Laba Sanno Dalka Kaga Saaro  iyo Waliba Wadda Hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo iyaguna aan Wax Dhaq-dhaqaaqa Laga Samaynin Mudadii uu Madaxwayne Farmaajo Taladda Dalka Hayey.

Arimaha Kale ee Labadda Sanno Madaxwayne Farmaajo Kasoo Foodsaaray Arimaha Beesha Caalamka Waxaa Kamid ah Khilaafkii Soo Kala Dhex Galay Wadamadda Khaliijka oo Dawladda Madaxwayne Farmaajo Doorka Dhex-dhexaadnimo ka Qaadatay Taas oo Sababtay in uu Xumaado Cilaaqaadkii Waddamada Sacuudiga iyo Imaaaraatka la Lahaayeen Soomaaliya.

Isdhexgalkii Wadamadda Geeska Africa oo Dawladda Soomaaliya Door Muuqda Ka Qaadatay ayaa Kamid ahaa Waxyaabihii Dawladda Madaxwayne farmaajo Lagu amaanay, iyo Waliba Caydhinta Wakiilka Qaramada Midoobay u Fadhiyey Soomaaliya.

Dawladda Maraykenka ayaa intii uu Madaxwayne Farmaajo Taladda Dalka Hayey Sanaadii Millateri ka Joojisay Qaybo Kamida Militariga Soomaaliya iyadoo Madaxwayne Trump uu Mudadaasi Gacantiisa Ku Saxiixay Kordhinta Duqeymaha ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ka Dagaalama Gudaha Dalka Soomaaliya.

Caqabadaha Arimaha Gudaha Kalasoo Gudboonaaday Madaxwayne Farmaajo Waxaa Kamid ahaa Khilaafkii soo Kala Dhex Galay Dawladda federaalka iyo Dawlad Gobaleedyadda kaas oo ay Dad Badani Qabaan in uu Saamayn Balaadhan Ku yeeshay Fulinta Qaybo Kamida Balanqaadyadda Madaxwayne Farmaajo.

Go’aankii ay Dawladda Soomaaliya Gacanta ugu Galisay Dalka Itoobiya Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa Kamid ahaa Go’aankii Canaanta Badan ay Kala Kulantay Dawladda Madaxwayne Farmaajo. Taas oo Dad Badan Afkala Qaad ku Naqotay in Muwaadiin Soomaaliyeed Dal Kale Loo Gacan Galiyey.

Arimaha Kobaca Dhaqaalaha iyo Dayn Cafinta ayaa Kamid ahaa meelaha ay Dawladda Madaxwayne Farmaajo Guulaha ka Sheegatay dad Badanina Ku Amaaneen iskastoo ay Jiraan Muran Ka Dhashay Miisaaniyadii Dawladda ee Baarlamaanka La Horkeenay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga