Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa Markii ugu Horaysay ka Jawaabay Eedo Losoo Jeediyey Xukuumadiisa oo ahaa in Dawladiisu Shir Shiidaalka Soomaaliya Lagu Xaraashayo Ku Qaabanayso Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska

Madaxwayne Farmaajo oo Khudbad ka Jeediyey xidhitaanka shirkii arrimaha Garsoorka oo Muqdisho kusoo dhamaaday ayaa sheegay in shirka London uu yahay Bandhig Carweed dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku soo bandhigeyso qorshaha Shidaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ku eedeeyay in ay ka soo horjeedaan hormarka la sameynayo, isaga oo intaa ku darray in loo baahan yahay in dalka laga soo saaro kheyraadka ku jira.

Dhanka Kale Madaxwayne Farmaajo Waxaa uu intaa ku darray in Dhulal Badan oo ay soo sahmisay dowladdii hore lagu wareejiyay shirkad ku taala Ingiriiska, iyadoo maantana la soo bandhigi doono xogtaas, si ay uga soo baaraan dagaan shirkadaha ka qeyb galaya shirka magaalada London.

Shirka magaalada London ee Lagaga hadlayo shidaalka Soomaaliya ayaa dhaliyay hadal heyn aad u badan, waxaana ay siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradku ku eedeeyeen dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ay xaraasheyso shidaalka Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga