Xukuumadda Somaliland ayaa Markii ugu Horaysay Cadaysay in aanay Wax Kiro ah ka Qaadin Saldhiga Millateri ee ay Dawladda imaraartka Carabtu ku yeelanayso Magaaladda Berbera ee Somaliland.

Wasiirkii Hore Arimaha Dibadda Somaliland Imikana ah Wasiirka Maliyadda ayaa Mar Su’aal Laga Waydiiyey in Miisaaniyadda Somaliland ay ku Jirto Dhaqaalaha Kasoo Gala Shirkadda Dpworld ee Gacanta Ku Haysa Dekadda Berbera iyo Kiradda Saldhiga Imaaraatka ee Berbera Waxaa uu Sheegay in Saldhigaasi aanay Somaliland wax Kiro ah ka Qaadin Dawladda Imaaraatka Taa Badalkeeda ay siisteen sida uu Sheegay Dhismaha Airport Cusub iyo Waddo isku Xidhi Doonta Magaalooyinka Berbera iyo Wajaale.

“Saldhiguna kiro ma’aha ee waxaynu dhaafsanay in laynoo dhiso Airport iyo wadada Berbera ilaa Wajaale”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Jawaabtan Cusub ee ay Somaliland ka Bixisay Saldhiga Imaaraatka ee Magaaladda Berbera ayaa Kusoo Beegmaysa Xili Dawladda Somaliland Lagu Dhaliilayey in aanay soo Bandhigin Waxa ay Ku Badasheen Saldhiga Dawladda imaaratka Ku yeelanayso Magaalo Xebeedda Berbera.

Saldhiga Dawladda Imaaraatka Carabtu ku yeelanayo Magaalada Berbera ee Somaliland ayaa Dhismihiisu Socdaa iyadoo la Filayo in Ciidamadda imaaraatku soo Dagaan Saldhogaasi Sannadka 2020-ka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga