Dagaalkii ka socday jasiiradda Yemen ku taalla ee Socotra ayaa joogsaday kadib markii heshiis wada gaadheen xulafada uu Sacuudigu dabada ka wado iyo kuwa uu Imaaraadku taageero ee gooni u goosatada Koonfurta Yemen.

Heshiiskan lagu qaboojinayo xaaladda ayaa lagu dhawaaqay xilli dambe maalintii Jimcaha, kadib markii garab hubaysan oo kamid ah golaha kumeel-gaadhka Koonfurtu kula dagaallameen gacan ku haynta caasimadda gobolka Hadibo ee Socotra ciidamo daacad u ah madaxwaynaha caalamku aqoonsan yahay ee Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Waxay ahayd mar sii horraysay markii badhasaabka Socotra uu telefishanka qaranka u sheegay in ciidamadiisa ay foodda is dareen kuwa goonni u goosatada, halkaas oo ay ku jabiyeen.

Labadan ciidan ayaa hore xulafo u ahaa, kuwaas oo si wadajir ah ula dagaallamayay kooxda Xuutiyiinta, sannadkii 2014-kii iyagoo midaysnaa isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraadku ugu cadcaddaayeen kahor intii aanay kala jabin

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga