Wakaaladda wararka Soomaaliya ayaa baahisay in ku simaha raysal-wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar uu cambaareeyay falkii dilka ahaa ee ka dhacay degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dilka ka dhacay deegaankaas, ayaa waxaa lagu laayay culimo aan waxba galabsan.

Ku simaha raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada ay ka baxeen culimada la laayay, waxaanu ku tilmaamay inuu yahay falkaasi mid gurracan.

Wakaaladda wararka Soomaaliya oo uu Saab TV soo xiganayo ayaa sheegtay inuu raysal-wasaaruhu yidhi:

“Aad baan uga xumahay dilka culimmada loogu geystay deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii ay ka bexeen, Culimadu waa biri-mageydo ay reebban tahay in la waxyeelleeyo. kuwii falkan geystay waxaa la marin doonaa sharcigaā€¯.

Illaa 6 ruux oo 5 kamid ahi ay culimo ahaayeen ayaa saaka lagu dilay deegaank Raage Ceelle.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga