Xukuumadda Somaliland gaar ahaan masuuliyiinta Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland, ayaa shaqada ka joojiyay Shaqaalihii Hay’adda duulimaadyada Adduunka ee ICAO kuwaas oo shaqaale ka ah Madaarka Hargeysa, tiradooduna ay tahay 42 Xubnood.

Shaqaalahan maanta shaqada laga joojiyay, ayaa hore loogu amray in ay Is casilaadda u gudbiyaan Hay’adda ICAO, maaddaama oo baa layidhi Mushaharkooda laga bixiyey Magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Agaasimaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland, Maxamuud Ismaaciil Cilmi ayaa shaqaalaha lagaga dalbaday inay soo gudbiyaan Warqad ay iskaga casilayaan shaqada ICAO, laakiin shaqaaluhu may keenin warqaddaas is casilaadda ah.
Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay la wareegtay maamulka hawada, shaqaalaha iyo dhaqaalihii ka soo xaroon jiray hawada Soomaaliya, taasoo ay hore gacanta ugu haysay hay’adda ICAO.
Shaqaalahan maanta shaqada laga joojiyay, ayaa sida wararka uu helayo telefishanka Saab iskugu jiray shaqaalaha haggidda diyaaradaha, dabdamiska, injineerrada qalabka hawada, saadaasha hawada kuwaasoo ay haayadda ICAO tababarro hore u siisay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga