Xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa maanta oo Axadda ku shiray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, sida uu kusoo waramay wariyaha talafishanka SAAB Cali-Fahad oo goob-joog ahaa.

Hogaanka labada xisbi ayaa xarunta xisbiga UCID ku kulmay iyadoo kulankooda aan loo ogolayn warbaahinta, isla markaana ay ka gaabsadeen markii uu kulanku usoo dhammaaday in ay warbaahinta la hadlaan.

Kulankooda ayaa imanaya xili maalinta berri ah ay madaxda labada xisbi mucaarid la kulmi doonaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxda mucaaridka ee kulanka yeeshay waxa ka mid ahaa Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha UCID, Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha WADDANI iyo hogaamiyaha xisbigaas Xirsi Cali X.Xasan.

Xogaha qaar ayaa tilmaamaya in mucaaridku arimaha ay ka shireen ka mid ahayd arinta doorashada oo imika ah dooda ugu muhiimsan ee ay wajahayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga