Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil waxa Axadda maanta ka da’ay roobab culus oo aan hore uga di’in magaalada, kuwaas oo biyo-fadhiisin kaga tegay qaybo badan oo ka mid ah magaalada.

Wararka ayaa tilmaamaya in baddu ay xaddi yar kacsantahay, isla markaana biyo ay kusoo fataheen qaybo ka mid ah magaalada.

Ma jiro wax khasaare ah oo illaa hadda ka dhashay roobabka iyo kicitaanka badda, sida ay war-tebiyayaasha warbaahinta SAAB xaqiijiyeen.

Wixii warar ah ee kasoo kordha roobabka magaalada xeebta ah ee Berbera waxaad goor kasta kala socon kartaa SAABTV.COM.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga