Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa muujiyay sida uu u garab taaganyahay dhibbanayaasha musiibadii 14-kii October ee sannad ka hor ka dhacay badhamada magaalada Muqdisho.

Nicholas Haysom ayaa sheegay in Murugadda ay la wadaagayaan dhibbanayaasha 14-kii October” mar uu maanta ka hadlay xaflad koobnayd oo lagu qabtay xarunta weyn ee Qaramada Midoobay Soomaaliya.

Qaraxa Zoobe waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof, wuxuuna ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsado walxaha qarxa.

Dad kale oo gaadhaya 316 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa xubin ka mid ah shaqaalaha Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay, Faiza Sheekh Maxamuud.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale amaanay adkeysiga dadka Soomaaliyeed, wuxuuna garowsaday sida uu u sii socdo oo aan marnaba istaageynin horumarka uu dalku ku tallaabsanayo si uu u gaadho nabad iyo barwaaqo.

“Waxaan murugada la wadaageynaa dhibbanayaasha qaraxa oo noloshooda isbedel aan laga soo waaqsan karin ka soo gaadhay dhacdooyinkii 14kii Oktoobar 2017,Waxaan u rajeynayaa iyaga iyo ehelladooda ee ay jecelyihiin inay yeeshaan adkeysi ay uga bogsadaan dhaawacyada jidhka iyo kuwa maskaxda ee uu reebay weerarkan foosha xun.” ayuu yidhi Mudane Haysom.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga