ku dhowaad 22 qof ayaa ku dhintey, dhowr iyo soddon kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyadii shaley ka dhacay makhaayad ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.Sida ay masuuliyiin xaqiijiyeen.

madaxtooyada Soomaaliya ayaa warsaxafeed ay soo saartay waxaa ay ku cambaareeyeen qaraxayadaasi, iyadoo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu ugu baaqay xukuumada inay u fidiso gurmad deg deg ah dadka ugu darran ee qaraxaasi uu saameyey.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada Shalay ka dhacay Magaaladda Baydhabo.

Qaraxyaddan ayaa yimid xilli loo Baroor diiqaayo sannad-guuradii Qaraxii Soobe ka dhacay 14-kii oktober sannadkii 2017 kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga